HadhwanaagNews.com

Welcome to Hadhwanaagnews Media

Home

page42

page41

page39

page38

page37

page36

page35

page34

page33

page32

page31

page30

page29

page28

page27

page26

page25

page24

page23

page22

page21

page20

page19

page18

page17

Gabiley Hospital Xaflad

Wafdi Ceerigaabo

page16

page15

page13

page11

page12

page9

page7

page8

page5

page3

page6

page10

UCIDsafar

 
Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ahee Kulmiye oo galabta soo gaaray Caasimada dalka Norway ee Oslo
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Ahmed Siilaanyo oo baryahanba booqasho ku kala bixinayay wadamada Skandnavianka ayaa galabta soo gaaray magaaladan Oslo ee Carigan Norway.

Gudoomiyahu waxa uu ka soo kicitimay magaalada Stokholm ee wadanka Sweden halkaas oo uu ku soo yeeshay kulamo badan aakhirkiina uu la kulmay jaaliyadda Somaliland ee wadanka Sweden oo aan u kala harin soo dhaweeyntiisa,Gudoomiyaha oo aay la socoto Marwadiisa Marwo Caasha Waris ayeey ka soo dageyn garoonka dayaaradaha ee lagu magacaabo Gardemoon Airport saacadu markaay ahaayd 17 35 miridh >

Hadaba sida caadada u ah Jaaliyadda Somaliland ee Norway oo ah in aay wadaniyad ku soo dhaweeyaan wufuuda u timaada si aan lookala harina loogu soo dhaweeyo ayeey kaga hortageen garoonka dayuuradaha waxaana ka mid ahaa dadka soo dhaweeyay Wakiilka somaliland ee Norway Mudane Mohamed Aden Liinen Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Norway Mudane Xusein AAden Cadib Wakiilada Xisbiyadda Qaranka iyo Ururada Haweenka iyo muwaadiniin badan oo reer somaliland ah kuna nool magaalada Oslo iyo agagaaraheeda"

Gudoomiyaha iyo Marwadiisa waxaa lagu qaabilay ubax aad u qurxoon iyo calamada Somaliland oo goobta buux dhaafiyay Gudoomiyaha waxa halkaasi Suaalo ku weeydiiyay wariyayaasha wabsidyada oo goobta ku sugnaa waxaana uu amaan u soo jeediyay Reer Norway iyo soo dhaweeynta wadaniyaddu ku dheehantahay ee lagu qaabilay waxaana uu cadeeyay in uu doonayo in uu la kulmo Jaaliyadda Somaliland ee Norway Baritoole isagoo doonaya in uu ka xogwaramo dalkii hooyo iyo marxalada uu marayaba

Mudane Siilaanyo intaa kadib waxaa loo galbiyay Magaalada Ski oo ah magaalo kaabiga ku haaysa Oslo halkaas oo lagu dajiyay Hotelka Thon Hotel ee caalamiga ah SDWO wAXAAY IDIIN BALAN QAADAAYSAA IN AAY SI MUG LEH IDIINKU SOO GUDBIN DOONTO KULANKA LA FILAAYO BARITOOLE>

Waxaa soo diyaariyay
Xassan Waraabacadde
SDWO
Oslo Norway
hassanabdalla5@hotmail.com

WARBIXINTAN & SAWIRADA WAXAA HADHWANAAGNEWS MEDIA SOO GAADHSIIYAY XASSAN WARAABE CADE


Hadhwanaagnews Media Everywhere!
HOME