SI XARAGO LEH AYAAD NOOGA BADISAY HAMBALYO MADAXWEYNE AXMED M MAXAMUUD ´´SIILAANYO´´. Waxaan qirayaa oon ayid sanay inuu Madaxweynaha inoo dhashay yahay shaqsi u dhashay Adkaysi aan caadi ahayn oo waxkasta oo lasoo kulmay kasoo dabaashay Xiligii halganka iyo Sabankan aynu qaadanay nidaamka Axsaabta Badanba, Wuxuu isticmaalay Waaya aragnimadiisa siyaasadeed ama aqooneed isagoo cagta u dhigaya mashaakilkasta xalkii uu u heli lahaa, waxaan qirayaa inuu si xarago leh uga badiyay Xisbiga aan ka tirsanay ee UDUB IYO UCID-BA. Waxa u sii dheer isagoo ka guulaystay laba dagaal oo kala ah: 1) tartankii uu kula jiray xisbiyada la loolamayay (UDUB IYO UCID) iyo 2) xalinta khilaaf kasta oo ka jira gudaha xisbigiisa waana ta ugu daran ee ugu adag in la bogsiiyo khilaafka xisbiga gudihiisa (Internal political conflict within the party). Mudane Madaxweyne ilaahay hakugu garab galo masuuliyada qaran eed dusha ku qaaday ilaahay hakaa dhigo mid nooga faa´iideeya Aqoontiisa Dhaqaale iyo Siyaasadeedba, Rabi hakaa dhigo Madaxweyne umadiisa gaadhsiiya horumar ay ku xusuusato.
Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal. SANWAA CUMAR YARE GUDOOMIYAHA GUDIDA SIYAASADA XISBIGA UDUB QATAR. E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com
Hambelyo Madaxweyne Cusub By Fouad Abdisalam
Salaamu Laahi Caleykum Waxaan Halkan Hambelyo Iyo Bogaadin Uga Dirayaa Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Ahmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Oo Noqdey Madaxweynihii Afraad Ee Somaliland , Mudane Ahmed Siilaanyo Waa Halyey Qaran oo U Qalma Madaxweynenimada Somaliland , Isagoo Ahaa Gudoomiyihii SNM, Mudane Siilaanyo Ilaahey Waxaan Uga Beryaa in u Xilkaas Cusub U Fududeeyo , Noqdana Madaxweyne Fuliya Balanqaadkii Dadweynaha Somaliland Ku Doorteen , Siilaanyo, Waxaa Uu Todoba Sano Ka Hor Kula Tartamey Madaxweynaha Hada uu Ka Guuleystey ee Daahir Riyaale Doorashadii Somaliland Ka Dhacdey , Waxaa Kale Oo U Hambelyeyna Madaxweyne Ku Xigeenka Cusub Mudane Abdiraxmaan Saylici , Shacabka Somaliland Waxey Muujiyeen Horumar Balaadhan oo Aaney Gaadhin Wadamo Badan oo Caalamka Ahi , Taas oo Magac iyo Maamuus u Soo Hoysey Qaranka Somaliland Ilaahey Waxaan Uga Beryayaa Madaxweynaha Cusub iyo Xisbiga Kulmiyaba In Xilkaas u Fududeeyo , Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin WAABAA BERYEY BILICSAN , AROORYO BAXSAN Maalin Boqran
Fouad Abdisalam Hassan National04@hotmail.com
HANBALYO KU SOCOTA QARANKA SOMALILAD
waxan hanbalyo iyo farxad leh hawada u marinayaa shacabka somaliland gar ahaan teegarayasha xisbiga kulmiye
ee ku guulaystay talada dalka , waxa kale oo an halkan hanbalyo hawada u marinayaa madaxwayna somaliland
ee ku guulaystay doorashada somalinad mudane axmed maxamed maxamuud siilanyo iyo ku xigeenkiisa saylici
ilahayna waxan uga baryaa
in uu u fududeeyo xilka uu ku guulaystay manta shacabka somaliland na waxan u rajaynayaa guul iyo barwaaqo
waxa la odhankaraa waa iftiin somaliland manta u soo baxay isbadalkaa yimi ilahay ha inooga dhigo guul iyo barwaaqo
Alle mahad leh
saleebaan maxamuud dhiidhi
Waxa guulaystay baaqii u horreeyay ee nabadaynta beelaha Somaliland. Berbera ,albaabkeena addunka u furay, oo heshiiskii isa saamaxa beelaha lagaga dhawaaqay " khudbadi silaanyo oo dhameys tiran wariye: cadnaan EHEL aqoon143@hotmail.com
As salaamu calykum wa raxmatu laahi wa barakaatu.
Walaalayaal waxaan maanta halkan uga soo tebinayaa umadda reer Somaliland meel ay joogaanba hambalyo iyo bogaadin, sida fiican ee ay inoogu dhamaatay doorashadii madaxtooyada ee aynu galnay 26, June, 2010.
Waxaan kale oo aan hambalyeenayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sidii hufnayd ee hawlkarnimadu ku dheehnayd, ee ay u hirgeliyeen hawlaha doorashada. Waxa sidoo kale xusid mudan doorka laxaadka leh ee bulshada caalamku inooga taageertay qabsoomidda doorashada, oo ay u horreeyaan Wadamada midawga Europe iyo dawladda Maraykanka.
Hambalyo gaar ah, oo aan cidna la wadaagin ayaan u dirayaa dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia, oo aan mar qudha ka nasan taageerada ay inooga fidinayeen qabsoomidda doorashada iyo dhamaynta khilaafyadii siyaasadeed ee ina soo dhexgalay sanadkii 2009. Ma aha markii u horraysay, ee inagoo taageero u baahan Ethiopia ina gacan qabatay. Waxaan leeyahay idiin ogin haddana, annagu dad abaal guda ayaanu nahay. Sidoo kale ayaa waxaan salaam iyo mahadnaq u diraynaa dadka iyo dawladda reer Djibouti, oo niyad wanaag inoo muujiyay kuna farxay horumarkeena iyo dimuquraadiyadeena.
Dhinaca kale, waxa aan si gaaraa ugu mahadnaqayaa musharixiinta labada xisbi ee UDUB, UCID, iyo taageerayaashooda. Waxaanan cadaynayaa in aan marin doono maamuuska iyo qadarinta ay qarankan ku leeyihiin, aniga oo ugu horayn u fidin doona martiqaad wadatashi.
Ugu dambayntii, waxaan hambalyo u soo gudbinayaa taageerayaasha Kulmiye ee maanta guushan soo hooyay. Waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin waxaanan idin xusuusinayaa in ay maanta inoo bilaabantay hawshii aynu ku ballan qaadnay inaynu dadkeena iyo dalkeena u qabano, sidaa darteed ogaada ineynaan kabaha bixin ilaa aynu balan qaadkeenii fulinayno.
Waxa kale oo aan leeyahay maanta keligeen maynu guulaysan, haddaynu nahay reer Kulmiye ee Somaliland oo dhan baa guulaysatay, dacal ilaa dacal. Haddaan qaar kooban wax ka tilmaamo anigoo kuwa aanan magacaabinna raalli gelin siinaya:
* Waxa guulaysatay taariikhdii halgankii dheeraa ee SNM iyo kuwii naftooda u huray xoraynta dalka. * Waxaa guulaystay Balli Gubadle, Xaruntii Halganka.
* Waxa guulaystay baaqii u horreeyay ee nabadaynta beelaha Somaliland. Berbera ,albaabkeena addunka u furay, oo heshiiskii isa saamaxa beelaha lagaga dhawaaqay.
* Waxa guulaystay go’aankii dib-ula-soo-noqoshada madaxbanaanida Somaliland ee Burco.
* Waxa guulaystay shirkii nabadda dhidibada u aasay ee Axdi Qarameedkii dhalay, Distoorka iyo dimuquraadiyadda aynu ku caano maalnay ee aynu doorashooyinkii hore iyo tanba ku galnay. Boorame ayaa guulaysatay.
* Waxa guulaystay hoyga tusaalaha wada noolaanshaha iyo is kaashiga bulsho kala beelo ah, hoygii axdi goboleedka. Ceerigaabo ayaa guulaysatay.
* Waxa guulaysatay hoyga gadhwadeenimada iyo gaashaanka birta ah. Oodweyne ayaa guulaysatay.
* Waxa guulstay hoyga garaadka iyo geesinimada. Gabiley baa guulaysatay. * Waxa guulaystay hoyga gobanimada Somaliland ee Laascaanood.
* Waxa guulaysatay xarunta ilbaxnimada iyo degenaanshaha. Saylac baa guulaysatay.
* Waxa guulaysatay xundhurta iyo xarunta Dalka Somaliland. Waa habboon. Waa Hargeysa mugweyn. Magaalo madaxda dalka ee umaddeena oo dhan marti gelisay ayaa guulaysatay.
* Waxa guulaysatay dimuquraadiyadda oo ah dariiqa keliya ee ummad xor ihi himiladeeda ku gaadhi karto.
* Waxa guulaysaty nabaddii .
* Waxa guulaysay ciidamada qaranka oo aan dib u derejo la’aan doonin.
* Waxa guulaystay dhallinyarada mustaqbalkeena ah, oo aan tahriib iyo shaqo la aan dib bada isugu guri doonin.
* Waxa guulaysatay culmadeenii oo aan dib damabysa afmiishaar iyo beenaale looga door bidi doonin bulshadana kaalinta ka geli doona karaamada ay ku leeyihiina ka heli doona.
* Waxa guulastay shaqaalaha dawladda oo aan dib ugu jri doonin cagajuglayn iyo tahdiid la xidhiidha fikirkooda siyaasadeed. * Waxa guulaystay hooyooyinka suuqa cadceediisa ganacsiga yar la fadhiya oo cashuurtooda wax loogu qaban doono.
* Waxa guulaystay golayaasha qaranka oo hab maamuuska ay leeyahiin ka heli doona xukuumadda Kulmiye. * Waxa guulaysatay caddaaladda oo la sugi doono. * Waxa guulaystay bulshada rayidka ah oo kaalinta ay horumarka kaga jirto taageero ku heli doonta.
* Waxa guulaystay ganacsatada dalka rag iyo haween leh, oo si caddaalad iyo sinaan ah, oo sharciga waafqsan u guddan doona hawlahooda ganacsi, xisbigay doonaan ha ahaadeene.
* Waxa guulaystay dadweynaha guud ahaan oo u harraadanaa adeeg hufan oo habsami loogu qabto. * Waxa guulaystay reer guuraageena oo aad moodaysay inaan xukuumadahii ina soo a maray kuba xisaabtamin wax u qabad kooda.
Walaalayaal, intiinii iga codaysay iyo intiinii ii codaysayba, waxa aan maanta idiin sheegayaa in aan madaxweyne u wada ahay, isla markaana aan si cadaalad ah idiinku hogaamin doono mudadda aan xilkaa hayo, Insha Allahu tacaala.
Gabagabadii, waxaan dhamaantiin idiin balan qaadayaa in aan taladiina dhug iyo dhaymo u yeelan doono, aniga oo ku soo dhaweenaya qalbi furan iyo niyad san. Walaalayaal, Somalidu waxay ku maahmaahdaa far kaliyi fool ma dhaqdo, sidaa darteed waxaan idinka codsanayaa inaad xilka aad ii doorateen igu garab gashaan, isla markaana in aad Ilaahay ii baridaan in uu ii fududeeyo.
Allaahu akbar.
Somaliland ha Midowdo. Somaliland Hawada jirto.
Aamiin eebow.
Salaamu calaykum wa intaa waxaa ku dhan khudbadi qayaha iyo qimaha laheyd ee u jadiyay madaxweynaha cusub ee somaliland mudane Axmed Maxamed maxaamud silaanyo cadnaan ismaaciil cabdi ( cadnaan EHEL ) aqoon143@hotmail.com
Hambalyo madaxwaynaha cusub somaliland mudane axmed maxamud silaanyo
Waxaan Halkan Hambelyo Iyo Bogaadin Uga Dirayaa Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Ahmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Oo Noqdey Madaxweynihii Afraad Ee Somaliland , Waxaa Kale Oo U Hambelyeyna Madaxweyne Ku Xigeenka Cusub Mudane Abdiraxmaan Saylici . Mudane Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa eng saylic waxaan Ilaahey Uga Beryaa in u Xilkaas Cusub U Fududeeyo , Noqdana Madax Fulisa Balanqaadkii Dadweynaha Somaliland idin doorteen waxaanan idin sheegayaa in aad u sinaataan kii codka idin siyay iyo kii aan idin siinba , sidoo kale waxaan u hablayaynayaa shacabka Somaliland sidii fiicnayd ee ay madaxdii u tartamaysay ku kala sareen sidoo kale waxaa amaan mudan madaxwaynihii hore Somaliland daahir riyaale iyo ku xigeenkiisa oo qadariyay doonistii shacabka waxaan sidoo kale amaan mudan faysal cali waraabe oo geesinomo muujiyay noqdayna ninkii ugu horeyey u shacabka codkiisa qadariya. Shacabka Somaliland Waxey Muujiyeen Horumar Balaadhan oo Aaney Gaadhin Wadamo Badan oo Caalamka Ahi , Taas oo Magac iyo Maamuus u Soo Hoysey Qaranka Somaliland Ilaahey Waxaan Uga Beryayaa Madaxweynaha Cusub iyo Xisbiga Kulmiyaba In Xilkaas u Fududeeyo , Somliland guuuuuuuuuuuuuuuuuuuul iyo gobanimo Engineer AbdiMaliki Abdi Hassan
Iqra University, Islamabad Department of Science and Technology MS Leads To PHD Telecommunication and Network Eng Dahir iyo Siilaanyo isbedelka
Ilaahay ayaa mahad iska leh ina ictiraafay inoona dhaliyey muwaadinnimo iyo wadajir, marka xiga Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliland Axmed Maxamed Maxmuud (siilaanyo) aad baan ugu hambalyaynayaa waxaanaan leeyahay ilaahay xilkaa culus ee loo doortayna ha la garab galo, soomaalidaa hore u tidhi ( Nin xil qaaday eed qaad), runtiina maamulka iyo xukunka ummadu waa xil aad iyo aad u adag, ninka doonayaa inuu xil qaadana waa inuu dhawrsoonan isku ogaadaa, Madaxweynha cusub ee Jamhuuriyda Soomaaliland Axmed siilaanyo waxaan leeyahay waxaa lagaaga baahanyahay dulqaad, daacadnimo, dhibirsanaan, cadaalad, sinaan, daryeel si loo gaadho horumar. Marka labaad, xilku waa wareegto, doorshaduna waa ayaan ninba waa ayaantii, guusha iyo guul daradu cidna lamay dhalan, dhamaanteena saddexda xisbiba waxaynu lahayn ujjeedo mid ah oo ahayd horumar iyo horusocod. kulmiye, UDUB, iyo UCID ba labada xisbi ee laga guulaystayna waxaan leeyahay waxaa ku guulaystay walalkiin ee hambalyeeya, balse waxaa abaalweyn inagu leh madaxweynaheeni hore ee dalka ka badbaadiyey caadada iyo camalka ay ku kacaan madaxweynayaasha caalamka qaar ka mid ah, ee si gobonimo leh u haneeyey xilka, runtii Dahir rayale waa nin ah hogaan ku dayasho mudan oo lagu yaqaanay dulqaad iyo degdeg la´aan, wuxuu muujiyey camal ku daysho leh loona baahanyahay inay ku daydaan madaxweynayaasha mustaqbalka iyo Axmed siilaanyo, DAhir rayaale runtii wuxuu dalka soo dhidayey in badan iminkan waxaan leeyahay Daahiroow abaal iyo taarikh baad reebtay ee ifka hibo ku noolow aakhiran halkii roon. Cabdiqani Muse Xasan Hargeisa, Somaliland ______________________________________________-
Asalamu Calaykum Waraxmatullah.
Anigoo ku hadlaya Magaca Urur ardayda Somaliland ee Bangladesh(Somaliland Student Association in Bangaldesh,SSAB), Waxaan halkan hambalyo,bogaadin iyo Amaan halkann uga soo diraynaa Madaxweynaha Cusub Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo kuxigeenkiisa Mudane C/raxmaan Maxamed Zeylici. Waxaan Allah uga baryaynayaa inuu u fududeeyo Xilkaasi Culus ee loo igmaday. Waxa sidoo kale aan halkan Amaan iyo Mahadnaq uga jeedinaynaa Labadii Musharax ee kale Madaxweynihii hore Daahir Rayaale iyo Gudoomiyaha UCID , Eng Faysal Cali Waraabe oo runtii si geesiniimo leh u aqbalay natiijadii Doorashada ee gudida Doorashadu soo saartay. Allah Somaliland Ha garabgallo.
Abdirisaq Yusuf Cadaani Chairman of SSAB(Somaliland Student Association In Bangladesh) Dhaka,Bangladesh cadaani05@hotmail.com
Waxaan hanbalyo u dirayaa Madaxweynaha cusub ee somaliland maanta ku guuleystey doroshadii xaqa iyo xalaasha aheyd ee ka dhacday somaliland mujahid ahmed mahamuud silaanyo waxaa uu muteystey GUUL tariikhi ah iyadoo calamku ku faraxsanayeen sida ay doroshadu dhacday shacabka somaliland ay aad u soo dhoweyeen madaxweynaha cusub isaga oo ahaa mujahidiintii asaasay dib u xoreyntii somaliland waxaan leyahay madaxweyne shacabku kumey ilaawin maantana xaq ayaad u ledahay in lugu doorto taasina waa guul shacabka somaliland u so hoyotey alaa mahadleh Ambassador Abdiraaq mecaad
Hambalyo hambalyo hambalyo. Waxaa ugu horeyn halkan ka hambalyaynayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland sidii wanaagsanayd ee xaragada lahayd ee ay uga qayb qaateen ololihii doorashada iyo cod bixintii ka danbaysayba. waxaan kaloo hambalyaynayaa gudiga doorashooyinka oo runtii qayb weyn ka qaatay sidii ay u hirgali lahayd doorosho xor ah oo xalaal ah oo si nabada ku dhacda. Waxaan kaloo hambalyo u dirayaa madaxweyna hada talada dalka haya ee laga guulsaystay oo runtii si geesi nimo iyo gobonimaba leh u aqbalay natiijdii doorashada taaso aad moodo inay cadaatay bisaylka siyaasadeed ee siyaasiyiinta reer Somaliland gaadheen,iyada oo ay yartahay in laga helo madax badan oo afrikaan ah inay sidaas oo kale yeelaan hambalyeeyaan marka laga guulaysto. Waxaan kaloo hambalyo u dirayaa xisbiga kulmiye iyo madaxweyna hada la doortay ee axmed maxamed maxamud (siilaanyo),waxaanan leeyahay mabruuk iyo inuu ilaahay kula garabgalo hawsha weyn ee laguu doortay taaso aad runtii mudo dheer aad ku taamaysay,balse manta waxa lagaga fadhiyaa wax qabad iyo inaad keento jiil cusub iyo wajiyo cusub oo umadda wax u qabata. Waa ii gobonimo inaan ku hambalyeyno aniga iyo xisbigayguba. Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee koonfur afrika. Mudane:mohamud jamma ahmed(suudani).
Hambalyo Hambalyo Hambalyo: Tolow qaybteen u hormariyaaDad waynaha sida lala wada yabay u gutay codbixintoodii Gudiyaadii loo xil saaray abaabulka doorashooyinka ee sida lala wada yaabay u gutay xilkaa culus ee u gurmaday aayaha iyo masiirka Somaliland Ciidamada nabadgelyada ee sida laala wada yaabay u gutay xilkaa wadaniga ah ee la’aantood looba soo dareereen doorasho Madaxda oo dhan dawlad iyo ururada qaranka oo dhan Tusaalooyinkay sida hagar la’aanta ah u dirayeen qurbajoogta reer S/land. Raali ahaada hadaad tihiin war baahinta idinkama tegine oo u noolaada dalkiina sidaana u ahaada dhex-dhexaad waasiday tahay xorriyadda ku salaysan Dimuqraadinimo e u noolaada dalkiina Isku soo wada duuboo qaybina qayb kama seexan halkii kaga haboonaye hambalyo ummad yahay. Hal talo waaya arag oo u socota madax waynaha cusub waa ballan qaadyadaadii waxa guushaa kuu soo hooyaye waa inaad oofisaa. Wa bilaahi towfiiq, Xaji Muuse Cabdi Mire
Waxan halkan hambalyo umarinayaa dhamaan shacab weynaha SOMALILAND iyo madaxweynahii Hore aan marna aanay ilaawi doonin shacabkiisu Md.Daahir Riyaale ee sida sharafta leh uu soo maamulay wadanka waana mid loo ogyahay iyo sida fiican ee uu u aqbalay natiijadii Doorashada waxa kale oo aan halkan umarinaynaa Hambalyo iyo bogaadin aan lasoo koobi karin Madaxweynaha cusub Axmed Maxamuud Maxamed Siilaanyo Iyo ku xigeenkiisa Eng Craxmaan Saylici oo aan ilaahay uga baryayno xilka loo dhiibtay inuu u fududeyo ...
Waxa kale oo aan hambalyo aan lasoo koobi karayn udiraynaa Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng Cise Xamari iyo dhamaan xubanaha kale ee komishanka doorashooyinka iyo sida fiican ee maamul wanaaga ah ee hawsha u dhameeyeen..
Waxaana Diraaya Hambalyooyinkaas iyagoo matalaya ardeyda Somaliland Ee Sudan :
1. Fouad Sugule Siciid 2.Cabdihakiim Ibrahim Nabadiid 3.Husien Ali Elmi 4.Ayanle Aden Mohamed
Fouad Sugule fsugule@hotmail.com
HANBALYO IYO BOOGAADIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA CUSUB MUDANE A HMED MOHAMED MOHAMUD. IYO LABADA GUDOOMIYE EE KA QEYB GALEY TARANTII DOORASHOOYINKA Salaanta islaamka ka dib. Waxaam halkan hanbalyo iyo salaan qaaliya u marinaya Madaxweynaha Cusub ee Jahmhuriyada Somaliland mudane Axmed Mohamed Mohamud Silaanyo. Waxaan madaxweynaha Alle uga baryaya in xilka umada ee loo doortey uu Alle u fududeeyo kana yeela mid dalka iyo dadka gaadhsiiya horumar iyo barwaaqo. Iyado dhanka kale ay waajib tahey in madaxweynaha loogu hagar baxo sidii loogala shaqeyn lahaa hawlaha qaranka ee horyaala. Dhanka kale waxaa iyaguna hanbalyo iyo sharaf mudan labadii musharax ee ku tartamayey magaca labada xisbi ee UDUB iyo UCID. Madaxweynihii hore ee Jamhuriyaa Somaliland mudane Daahir Riyaale kaalin oo taariikhada baal dahaba kaga galey sidii taariikhiga aheyd ee ugu qancey in marka hore la qabto doorashooyin xor ah iyo sida uu markii danbe ugu qancey natiijadii doorashada ka soo baxdey. Waxaa isaguna hanbalyo mudan Gudoomiyaha xisbiga UCID mudane Faysal Cali Waraabe oo runtii dadaal iyo juhdi badan geliyay in Somaliland noqoto wadan madaxdiisu ku timaado hab democracy ah. Somaliland ha noolato. Guul iyo gobanimo.
Allaa mahad leh Osman Omar Dool London UK
___________________________________________________
Anaga oo ah dhamaan Ardayda Somaliland ee wax kabarata dalka Pakistan waxaanu Hambalyeeynaaynaa Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Ahmed Maxamed Siilanyo, oo tartankii doorashada Dimuquradiga ahaayd ku Gulaaystaay, waxaana . Waxaanaaynu Rajaaynaaynaa Inuu dalkeenu Gaadho Isbadal dhinac walba leh Maadama Xukumad Cusub aay Timid Waxaana Hamblayada Diraayah Axmed Xaashi Cali Maxamed Jawhar Sheekh Cali Maaliki Cabdi Xuseen Cabdirisaaq Ismaciil Cabdixakiin Ahmed Cali faraxaan Siciid Gees Cabdirisaaq Siciid Gees Khadar Maxamed Faarax Caynaanshe Maxamed Ciise Yusuf cabdikariin Ciise Yusuf Ahmed Maxamed Cabdi Xamse Muuse Qodax Idiris Muuse Cilmi Salman Xasan Cumar Ahmed Sheekh Ibaarhim Mahad Nuux Muumin Xasan Saleebaan Cali Mahad Nuux Muumin Mahad_nuux09@hotmail.com Pakistan Islamabad
|