Munaasibadan qadada ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ahayd mid dhaqan oo aan hore loo arag oo lagu weynaynayo, laguna sharfayo Ugaaskada’ada yar ayaa lagu qabtay aqalka Ummada dalka Jabuuti, waxaana ka soo qayb-galay Ra'iisal wasaaraha dawlada Djibouti Md. Dilaita Mohamed Dilaita, Wasiirka warfaafinta Hidaha iyo dhaqanka, isla markaana ah Afhayeenka Xukuummada Cali Cabdi Faarax, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd, Wasiirka Dalxiiska Dawlada Ethiopia Maxamuud Dirir, iyo Wefti ka socday Dawlada Somalilandah oo ka kooban Salaadiin iyo Abwaano uu hogaaminayo AbwaanMaxamed Ibraahim Warsame [Hadaawi], Xasan Xaaji Cabdilaahi [Xasan Ganay], Maxamed Xaashi Dhamac [Gaariye], Abwaan Axmed Saleebaan Bide, Maxamed Aadan Dacar, iyo dhamaan Salaadiinta Beelaha isaaqu jilibyadoodu leeyihiin, Ganacsato, aqoonyahan, iyo Marti sharaf kale.
Ugu horayn waxa xafladaa ka hadlay Xuseen Axmed oo ku hadlayay afka Golaha Guurtida Djibouti ee Beelaha Isaaq ayaa waxa uu u mahadnaqay
dhamaan qaybihii kala duwanaa ee bulshadii ka soo qayb-gashay casuumada, waxaanu yidhi "Waxaan leeyahay ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim noqo kii dalkiisa iyo dadkiisa anfaca,inkasta oo uu ugaasku yaryahay hadana waxa uu sitaa waxaa ay sadexda dawladood(Somaliland ,Djibouti iyo Ethopia ) isugu yimaadeen , waa nin la sahamiyay oo la helay in uu sadexda beeloodba halka uu ka gaadho uu wax ka tari karo ,oo uu tamar iyo taloba ku kordhin karo ,Ilaahay ugaaska ha ka yeelo kii la mahadiyay , ee umada deeqa"
Suldaan Cabdilaahi Suldaan Calioo ka hadlayey Afka Beelaha Isaaq ayaa waxa uu u mahad-naqay dhamaan masuuliyiintii ka soo qeybgalay qado-sharafeedka, waxaanu tilmaamay inay Casuumadan ay u sameeyeen beesha Isaaqu ay ugu talo-galeen Ugaaska beelaha Ciisaha Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim oo aanu Sharaf iyo Karaamo uga dhigaynaa, ayuu yidhi.
Waxa uu Suldaanku si qoto dheer uga waramay abaalkii ay beesha Ciisu u gashay wakhtigii dagaalka, oo aanay iloobi Karin
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac ( Gaariye) oo ku hadlayay afka abwaanada kale ee weheliyey ayaa waxa uu yidhi "Waxa ila socda aniga afar abwaan oo kale ,waxaanuna abwaano u nahay dadka afka soomaaliga ku hadla oo dhan ,ma nihin abwaano magic beeleed ku hadla waanad na taqaaanaan waxaan leeyahay ugaaska aniga oo ku hadlaya afka abwaanada afka soomaaliga ku hadla dadka aannu abwaanada u nahay waxa ka mid ah beesha aad ugaaska u tahay , adiga markaan kuu eego ugaaskii kaa horeeyay ugaas Xasan Alle Ha u naxariistee wakhtigii uu ku soo beegmay iyo wakhtiga aad ku soo beegantay waa laba wakhti oo kala duwan ,oo wakhti dheer baa u dhexeeyay ,sadexda meelood ee ay beeshaadu degto,maalintii ugaas xasan la boqrayay sadexda meeloodba [Somaliland, Jabuuti iyo Ethiopia] sadexdaba waxa haystay Isticmaar, waxa adiga lagu boqray sadexdii meelood ee ay beeshaadu degenayd oo sadexdiiba calamo leeyihiin waa guul Illaahay kugu simay ,inaad ugu mahadnaqdaa ay tahay".
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Gaariye "Sadexda meelood ee calanka leh ayay dadka aad ugaaska u tahay ku noolyihiin,sadexda meeloodba waa lala degaa xilka ku saaranina sadexda meeloodba ee ay kala degaan ayay mid walba waayo gaara ku qabaan, oo meel walba dad kale ayaa la dega ,isku xidhkooda ayaa lagaa rabaa ,waxaad ku soo beegantay sanad colaadeed oo Geeska Africa oo dhami gubanayo, waxa gubanaysa oo sii gubanaysa qoomiyada ay beeshaadu ka tirsan tahay oo Soomaali ah,kuwaas ayaad la dhalatay ,kuwaas ayaad wax ku tahay ,kuwaas ayaad isku dhaqan tihiin , marka dhaqan ahaan laga hadlayo xanuunka hayaa wuu ku hayaa, waxaan kuu arkaynaa xoog ku soo biiray Dabkaka shidan Mandaqadabakhtiintiisa, Illaahayna sidaa ha ku garansiiyo"ayuu yidhi Abwaan Gaariye
"Dadka dhaqanka ayaa dawladnimada door ku leh anaguna kuwaas ayaanu ka tirsanahay adiguna kuwaas ayaad ka tirsan tahay ,mujtamaca saamayn kara dawladaha ay ku kala hoos nool-yihiin ,dawladaha lagu kala hoos noolyahay siyaasado ayay isku khilaafi karaan ,duruufo ayaa iman kara ,kuwa isku kawkamaya xabagta isku haynaysa waxa ka mid ah Raga aad hormoodka u tahay ,madaxwaynayaashu way guuraan ,siyaasaduhu way tagaan laakiin deegaanku ma guuro, dadka wada dhashay na ma kala tagaan ,waxa laydhaahdaa saaxiibka waad dooraan kartaa ,laakiin walaalka ma xulan kartid waayo Ilaahay ayaa ku baday.anaga nama xulan kartid ee waxaanu nahay dad kula dhashay"ayuu yidhi Abwaanku
Mar uu Abwaanku la hadlayey Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim waxa uu yidhi "Waxaad ku khasban tahay inaad dhabarka nagu sidid, annaguna annu kugu sidno, guurimaysaan anaguna guuri mayno mar hadii Illaahay iskeen baday dantu waxay ku jirtaa inaynu fahano sida aynu u wada noolaanayno"
Abwaanku waxa si mug leh ula hadlay labadii beelood ee Is-casuumadeeyey, waxaanu yidhi "Beelaheenan wada hadlaya ( Ciise iyo Isaaq] ha isku qaadanina wax gooniya ,deegaan ayaynu ku dhex jirnaa Siyaasad caalami ahayaa ina samaynaysa, geeska afrika oo dhan ayay dhibaato ka taagantahay hawlaha ina saarani hawlo yar maaha Ilaahay haynaga dhigo kuwii uu bogooda burcad isu mariyo"
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Dalxiiska dawlada Federaalka Ethiopia Maxamuud Dirir, , Suldaan Axmed Daahir iyo Xaaji Rooble Wacays oo ku hadlay Afka Beelaha Ciise, waxaanay dhamaan masuuliyiintani iska dababa marmareen qaabkii qiimaha sare lahayd ee ay Xaflada Casuumad Sharafeedku u dhacday, iyo sida ay Beelaha Isaaqu Ugaaska Ciisaha u sharfeen ee ayu karameeyeen, waxaanay Madashaasi Beelaha isaaqu ku gudoonsiiyeen Ugaaska Beesha Ciise Mustafe Maxamed Ibraahim hadyad qaali ahayd oo ay ugu talo-galeen.
Salaadiinta Beesha isaaq ee ayaa xafladii casuumada ahayd kaga codsaday ugaaska Ciisaha Mustafe Maxamed Ibraahim inuu socdaal ku yimaado Caasimada Somaliland ee Hargeysa.