HadhwanaagNews.com

Welcome to Hadhwanaagnews Media

Home

page42

page41

page39

page38

page37

page36

page35

page34

page33

page32

page31

page30

page29

page28

page27

page26

page25

page24

page23

page22

page21

page20

page19

page18

page17

Gabiley Hospital Xaflad

Wafdi Ceerigaabo

page16

page15

page13

page11

page12

page9

page7

page8

page5

page3

page6

page10

UCIDsafar

 
Hargeysa Iyo Isticmaalka Moofada.
Hargeysa(HWN):-Dagaalada ka holcaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sababay inay kumanaan qoys ku barakacaan,halka boqolaal kuna ay ku nafwaayeen. qaarna ku dhaawacmeen.

Dadka ku barakacay Dagaalada ayaa u kala firdhay dalalka ay jaarka yihiin Koonfurta Soomaaliya, sida Kenya, DJabuuti, Ethiopia Iyo Somaliland, kuwaas oo wadamada ay u qaxeen kala kulmay duruufo adag iyo dabeecado ka gedisan deegaankii ay ka yimaadeen, Sida luuqada, dhaqanka, iyo Dabeecada Deegaanka, hasa yeeshe Boqolaal qoys oo ka mida ah dadkaas oo u soo qaxay dhinaca Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka waa-weyn ee Hargeysa Iyo Burco ayaa u muuqda kuwo helay fursad aanay helin kuwa u qaxay Ethiopia iyo Kenya kuwaas oo helay Soo dhaweyn fiican iyo gar-gaar dhinaca shacabka ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Inkasta oo ay hay’ada gargaarku ay ka indho qarsadeen inay taageero bina-aadanimo u fidiyaan dadka ku ka soo barakacay Dagaalada Wejiyada badan ee ka holcaya Koonfurta Soomaaliya, iyaga oo ku dooday inaanay dadkaasi ahayn qaxoonti dal kale u qaxay, balse ay yihiin dad ku barakacay dalkooda gudihiisa, sidaa darteedna aanay qaxoonti u aqoonsanayn.

Haddana iyada oo ay maqan tahay kaalintii ay Hay’addaha gargaarku u fidin lahaayeen qaxoontigaas, waxa jira qaar ka mid ah qoysaska u soo barakacay Magaalooyinka Waaweyn ee Somaliland, kuwaasoo qaarkood ay Milyan-dheero ahaayeen markii ay daganaayeen meelihii ay ka soo qaxeen, balse hadda nolosha qaxoontinimadu sintay ama isku soo dhawaysay. Isla markaana ay qaar ka mid ah qoysaskaasu ay la soo daristay xaalad nololeed oo qalafsani, haday tahay noloshooda, dhaqaale ahaan iyo iyaga oo aan la qabsan deegaanka ay yimaadeen. Halka qaarna ay bilaabeen inay ku shaqeystaan xirfadahoodii, iyadoo qaarna ay abuureen ganacsiyo yar-yar oo aad ku arkayso suuqyada Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo xaamiya, isla markaana dadku si fiican wax uga iibsanayaan, taas oo ay ku dabaraan nolol-maalmeedkooda.

Hooyo Sahra Cali Cadaawe oo Muufada samaysa
Hooyo Sahra Cali Cadaawe oo Muufada samaysa
Hooyo Sahra Cali Cadaawe oo ka mid ah dadka ku soo barakacay dagaalada ka socda Soomaaliya, ayaa waxa wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Weriye Mustafe-Janaale oo ka mid ah Weriyayaasha Hadhwanaagnews uga soo warama Hargeysa, waxay Hooyo Sahra Caasimada Somaliland ee Hargeysa ka asaastay meherad yar oo ku taala ka soo horjeedka Saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa, Meheradaas oo Mac-macaanle iyo qeyb sameysa Moofada.

Mar aanu weydiinay Hooyo Sahra Cali Cadaawe waxay ka ganacsato ee ay gudaha ee ay dadka ka iibso? Waxay ku jawaabtay oo tidhi “Waxaan imi dalka Bishii 6 Sanadkii hore, ganacsigaygu waxa uu ka kooban yahay Mac-macaanle, iibiya Xalwad iyo Moofo oo ku cusub dalka Somaliland oo dadkii hore way yaqaanaan moofada, dadka danbe mooyane aad ayey u barteen dadku oo way ii yimaadaan”

“Moofadu waxay ka kooban tahay oo laga sameeyaa Galayda oo la ridqay, waxaana lagu ridqaa Tinnaad, markaa waxa iyada [moofada] lagu cunaa suqaarka, sidii kalaankalka oo kale, dhibcaha, Isteega, waxa kale oo lagu cunayaayo kale Degeda malayga [Kaluunka], macsaro ayaa lagu daraa iyo muus.”

Sidoo kale mar Sahra Cali la waydiiyay socodka meheradeedan iyo sida ay dadka reer Somaliland uga isticmaalaan ama uga iibsadaan Moofada oo aan Hargeysa hore loogu samayn jirin, waxay ku jawaabtay, “Wallaahi Somaliland dadkeedii waaweynaa ee hore way yaqaaneen, kuwan dambena way arkeen, Wariyayaal badan ayaa ila soo xidhiidhay, markaa Somaliland Moofada waxa looga isticmaalaa imika si fiican.”

Sahra Cali oo ka jawaabaysay su’aal laga waydiiyay heerka dakhliga ka soo gala Meheradan, gaar ahaan Moofada iyo filashadeedii markii hore ee ay bilaabaysay ka qabtay, waxay tidhi, “Markii hore ee aan Meheradan furayay ismaan lahayn sidan inta oo xayaysiiyo ayay Moofadu kaaga socon doontaa ama lagaaga iibsan doonaa, laakiin maanta waxay u socotaa, heer fiican ayaan ka taaganahay dakhli igu filanna waan ka helaa.”

Mar Sahra la waydiiyay, sida ay dadka reer Somaliland ula qaybsadeen cunista Moofada, waxay ku jawaabtay, “Markii hore ee aan meheraddan furay dadka reer Somaliland intooda badan way ku yaabi jireen Moofada, oo waxay odhan jireen side loo cunaa maxayse ka samaysan tahay, war badan iyo faallo badan ayaan ka siin jiray intii hore oo dhan, imikana iyaga ayaaba iga badiya oo waa laysu soo tilmaamaa, si aad ah ayaana loo soo doontaa Moofada wakhtigan. Sidaad u aragto Meheradaydu waxay ka soo horjeedaa Saldhigii dhexe ee Caasimadda Hargeysa, Saraakiisha iyo Askarta Booliska intooda badani way iga soo doontaan Moofada.”

Waxa kale oo la waydiiyay Hooyo Sahra marka laga yimaaddo dhinaca ragga, in ay jiraan haween isticmaala Moofada oo u soo doonta Meheradeedan Hargeysa waxay ku jawaabtay oo ay tidhi, “Way jiraan Gabdho hore Muqdisho u joogi jiray oo naga soo doonta, sidoo kale waxa jira Gabdho yaryar oo bartay cunista Moofada oo hadda ka badiya dhalinyartii Xamar ka yimi.”

“Maya, Xamar markaan joogay Ganacsigaygu waxa uu ahaa inaan dibadda aado oo dalalka adduunka ayaan ku soo wareegi jiray, waxaanan ka shaqaysan jiray dalalka Hindiya, Pakistan, Pankock, Dubai iyo Abudai ayaan ka shaqaysan jiray.” Sidaa ayay tidhi hooyo Sahra oo ka jawaabaysay su’aal laga waydiiyay markii ay Xamar joogtay wixii ay ka shaqayn jirtay.

Sahra oo ka jawaabaysa waxyaabaha is-bedalka ku keenay Ganacsigeedaa caalamiga ahaa ee ay sheegtay in ay ka shaqayn jirtay markii ay Xamar deganayd, waxay tidhi, “Wakhtigan waxa isbedalay, maadaama wadankii Soomaaliya uu noqday wadan colaad iyo dagaallo ka jiraan, waxaan imi Somaliland maadaama oo aan haysto ama dhalay Wiilal dhalinyaro ah waxa ila haboonaatay meel nabadgalyo ah oo Wiilashaydu igula noolaan karaan inaan imaaddo oo wax aanu ku wada noolaanno u sameeyo ayaa ila haboonaatay.”

Sidoo kale, mar Sahra la sii waydiiyay, in wax dhibaato ah ay kala kulantay Somaliland iyo waxyaabihii caqabadaha ku noqday intii ay Hargeysa timi, waxay ku jawaabtay, “Wallaahi Somaliland wax dhibaato ah oo ficil ah oo laygaga sameeyay ma jirto, Lahjadda ayaa maalmihii hore ugu adkaatay oo aan la qabsan-waayay mooyaane wax caqabad ahi igama soo gaadhin, aad iyo aad ayaana laygu soo dhaweeyay Somaliland iyo Hargeysa oo aan hadda deganahay.”

Mar ay Sahra Cali ka jawaabaysay su’aal laga waydiiyay haddii ay Soomaaliya nabdgalyo ka dhacdo Ganacsigaagan ma laga yaabaa inaad Xamar ku celisid oo aad Somaliland ka noqotid, waxay tidhi, “Insha Allaah haddii ay Xamar fiicnaato oo nabadgalyo ka dhalato sidan ay Somaliland iigu fiican tahay ayuu iigu fiican yahay, laakiin lagama yaabo inaan Ganacsigayga ka raro Somaliland, ee inaan sii balaadhiyo oo aan meherado kale furo ayaan rajaynayaa.”

“Waxaan u jeedinayaa Wallaalahayga ama dadka inta I taqaana ee dunida ku nool, gaar ahaan Canada oo kale oo Faamligaygu joogo waxaan u sheegayaa in Somaliland laygu soo dhaweeyey, si wacanna aan hadda ugu noolahay oo u deganahay Magaaladda Hargeysa, si fiicanna wax layga iibsado.”

Mustafe-Janaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.
Email:Janaale94@gmail.com
  

HOME

HadhwanaagNews Media