Xafladii Toronto, Sanadguuradii Hadhwanaagnews, Shahaado labixiyay & C/Fataax Yare oo Wacdaro ka dhigey DAAWO SAWIRADA.
Amniga Goobta oo aad loo adkeeyay soogalinteeda
Wariyaha Caanka ah Idiris Cigaal Nuur oo Goobta kahadlayay oo Xidhiidhinayay
Toronto-(HWN)-Waxaa Magalada Toronto lagu qabtay Xaflad aad u balaadhan oo ay soo agaasimeen Bahda Hadhwanaagnews taasoo ay Xafladu ahayd ula jedada in loogu dabaal dago Guushii ay Somaliland ka gaartay Doorashooyinkii iyo Dimuqraadiyadda ka hanaqaaday Somaliland.
Xubin katirsan Xisbiga Udub Shuceyb C/Laahi oo ka Hadlayay Goobta Xaflada
Dr.Beergeel oo katirsan Madaxda Xisbiga Kulmiye oo Madashaasi kahadlayay
Masuul katirsan Xisbiga UCID Khadar Guun oo Xaflada kahadlayay.
Waxay kaloo ahayd Xafladan in loogu dabaaldago Sanadguuradii 8-aad ee kasoo wareegtay aas aaskii shabakada Calamiga ah ee Hadhwanaagnews.
Waxaa Xafladan furay Wariyeha Ruug cadaaga ah Idiris Cigaal Nuur oo goobtaasi kusoo dhaweynayay Masuuliyiinta sadexda xisbi qaran.
Masuuliyiintan waxay halkaa ka sheegeen Dimuqradiyadda Somaliland ay soo martay iyo siyaasada imika
Sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland oo Shahaado Sharaf Gudoonsiinaya Hadhwanaagnews
Waxaa kaloo goobtaasi ka Hadley Indheer garadka Toronto waa Ducaale Mohamed Hirsi oo sheegay muhiimada ay leedahay Saxafadu gaar ahaan ayuu xusey inay Hadhwanaagnews mutaysatay in lasiiyo Shahaado sharaf waxaa goobtaasi Hadhwanaagnews Gudoonsiiyay shahaado sharaf Sadexda xisbi Qaran ee Somaliland taasoo ayay yidhaahdeen in Hadhwanaagnews tahay websitka kaliya ee sida fiican ula shaqeeyay sadexda xisbi tusayna dadwayanaha Calamka kukala nool Kalsooni.
Tifaftiraha Hadhwanaagnews ayaa loogu yeedhay Goobta in Shahaado Sharaf lagudoonsiyo oo ay gudoonsiiyaan Sadexda Xisbi
Waxay kaloo Sadexda Xisbi ee Somaliland waa Udub, Kulmiye iyo Ucid ay sheegeen inaanay Hadhwanaagnews ahayn mid matasha Gobol ama Urur balse ayay yidhaahdeen Hadhwanaagnews waxay u taagantahay Qaranimada Somaliland oo dhan.
Shahaadadaasi waxa lagudoonsiiyay Tifaftiraha Guud ee Hadhwanaag Media waa Ahmednassir Jibril Farah.
Tifaftiraha Guud ee shabakadda Calamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa Shahaado Sharafta loo Aqoonsaday Hadhwanaagnews Websitka ugu Qiimaha leh ee Somalida oo dhan ayaa waxaa u gudoomaya Mr.Ahmednassir Jibril Farah
TV Universal oo Goobtaasi kusugnaa
Tifaftiraha Guud ee Shabakadda Calamiga Hadhwanaagnews Mr.Ahmednassir Jibril Farah oo Gacanta ku haya Shahaado sharafta lagudoonsiiyay
Wariye Idiris Cigaal Nuur oo kusoo dhawaynaya Makarafoonka Fanaanka codka Macaan C/Fataax Ahmed Tacabir
Waxaa kaloo Xafladaasi wacdaro ka dhigey Fanaanka Sanadka waa C/Fataax Ahmed Tacabir iyo fanaaniin kale oo badan oo ay kujirto Fartuun Birimo.
Habeenkii Xalay ayaa dadweyane aad u tiro badani iskugu soo baxeen taasoo uu madadaalinayay C/Fataax Yare oo kayimid London Uk .
Fanaanada Codka Macaan Fartuun Birimo ayaa Goobtaasi ka heysaysay iyaduna
Fanaanka Caruus oo Goobta yimid kuna soo dhaweeynayay Fanaanka da;da yar ee C/Fataax Yare
Waxaa Wada taagan Goobta Xaflada Tifaftire Ahmednassir Jibril Farah, Fanaanada Codka Macaan Fartuun Birimo iyo Fanaanka Sanadka C/Fataax Ahmed Tacabir
Fanaanada Fartuun Birimo
Ahmednasir Jibril & C/Fataax A. Tacabir
C/Fataax iyo C/Samad oo wada taagan
Dj.Tiger
Al-Fanaan Biikalo
Ciyaartogii Qaranka Somaliya u Ciyaari jirey Canter Jeenyo oo uyimid inuu soo samalaamo C/Fataax Ahmed Tacabir
Xafladan waxaa iskusoo dubaridey Ibrahim Jibril Farah, Fayasal Mahamed Yusuf, Ismaciil Farah iyo Ahmed Daacad.
Waxaan idiin soo dayndoonaa Cajaladihii laga duubay Xafladan Quruxda badan ee Hamoogaanina lasacda Vidiyowgaasi.
Hadhwanaagnews Toronto,Canada