HadhwanaagNews.com

Welcome to Hadhwanaagnews Media

Home

page42

page41

page39

page38

page37

page36

page35

page34

page33

page32

page31

page30

page29

page28

page27

page26

page25

page24

page23

page22

page21

page20

page19

page18

page17

Gabiley Hospital Xaflad

Wafdi Ceerigaabo

page16

page15

page13

page11

page12

page9

page7

page8

page5

page3

page6

page10

UCIDsafar

 
Sanad-Guuradii 10-aad Ee Ka Soo Wareegtay Asaaskii Dugsiga Hoose Dhexe Iyo Sare Ee Blooming School Iyo Wacdarihii Ka Dhacay Hargeysa.
“Waxaynu U Dabaal-dagaynaa Sanad-guuradii 10aad ee ka Soo Wareegtay Asaaska Dugsiga Blooming School, …. maanta heerka uu marayo waad ka war-heysan iyo sida uu maalin-ba maalinta ka danbeysa uu u soo siyaadayo” Marwo Saynab Baande.
Hargeysa(HWN):- Munaasibad loo sameeyey sanad-guuradii 10aad ee ka soo wareegtay asaaskii Dugsiga hoose dhexe sare ee Blooming School ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Panorama ee Magaalada Hargeysa.

 

Xafladii loo sameeyey sanad-guurada waxa ka soo qeybgalay Wasiiro, maamulka Dugsiga Blooming, Salaadiin, Waalidiin,aqoonyahano, iyo marti sharaf kale.  


Mulkiilaha Dugsiga Blooming School, isla markaana ah asaasihii dugsiga Saynab Cismaan Baande oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa u mahad-celisay dhamaan marti sharafti ka soo qeybgashay Munaasibadan, iyo sida ay xilka isaga saareen.

 

“Waxaynu halkan isugunimi inaynu maanta u dabaal-degno toban-guuradii ka soo wareegtay asaaskii Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Blooming School oo maanta toban jirsatay, waxaana la asaasay dugsigan 1999-kii oo meel hoose  ayaanu ka bilownay, maanta heerka uu marayo waad ka war-heysan iyo sida uu maalin-ba maalinta ka danbeysa uu u soo siyaadayo”ayey tidhi Marwo Saynab Baande.


Madaxa sare hay’ada African Education Trust [AET] Xasan Embassy oo ku hadlayey magaca waalidiinta oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay halgankasta oo la galaa  wuxuu dhalaa midho dhal fiican waxaana tusaale inoo ah xafladan aynu maanta joogno.

 

“Waad garan kartaan halkii ay saynab ka soo asaastay Dugsigan iyo halka ay maanta soo gaadhsiisay, waxaanan Ilaahay ka rajeynaya inay qaar dugsiga sare ka soo bixi doonaan oo waxay keeni karaan horumar kan ka balaadhan”ayuu yidhi Xasan Ambusy.


Waxaanu xasan  ku bogaadiyey waalidiinta sida wanaagsan ee ay uga warhayaan caruurta ee ay waxbarashada ugu  ilaalinayaan, isaga oo uga mahad-celiyey macalimiinta wax ka dhigta Dugsiga Blooming School sida ay noogu soo wargelinayaan heerka waxbarasho ee ardayga.

 

 “Macalimiintu waxay Waalidkasta la socodsiisa heerka aqooneed ee ay caruurtoodu ka taigan yihiin waxbarashada, wixii ku cusub ee ay ardayga ku arkaana sida ugu dhakhsaha badan ayey noola soo socodsiiyaan”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Iskuullada kale ee Madaxa-banaana waxaan ka rajeynayaa xidhiidhka  saaxibtinimo ee ka dhaxeeya Macalimiinta, ardeyda iyo Waalidiinta. Qoladiina warbaahintana waxaan leeyahay waxaad idinku sheegtaan ayaan meel fog gaadhaya, ee waa inaad ka shaqeysaan oo aad wax kala qabataan”.

 

Maamulaha Dugsiga hoose dhexe, sare  C/raxmaan Cabdalle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad-naqay dhamaan masuuliyiintii kala duduwanaa ee ka soo qeybgalay xafladaasi, waxaanu faah-faahin ka bixiyey heerarkii kala duduwana ee uu soo maray iskuulku mudadii uu asaasna haday tahay horumarka uu maanta gaadhay iyo wixii duruufo ah ee ka horyimi.  


Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid Maxamed oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa waxa uu mahad-celiyey masuuliyiintii ka soo qeybgalay Xafladaasi.

“Aniga oo ku  hadlaya afka magaca waalidiinta waxaan halkan hanbalyo uga  dirayaa  mulkiilaha Dugsigan Blooming School, macalimiinta, waalidiinta, waxaan hanbalyo u soo jeedinayaa sanad-guuradiisa  10aad ee uu gaadhay Dugsigu, waxaanan  ugu duceynayaa inuu halkaasi ka sii socco  oo uu horumarkiisa sii kordhiyo, Ilaahayna waxaan uga baryeynaa inuu guul-weyn gaadho sanadkan sanadkiisana ku gaadho bashbash iyo barwaaqo”ayuu yidhi Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid Maxamed.


Waxaana Munaasibada lagu soo bandhigay Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyada koox fanaaniin ahina madaashi heeso ka sheekaynaya waxbarashada iyo qiimaheeda ku soo bandhigay.  

 

Mustafe-Janaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland.

Janaale94@gmail.com


Hadhwanaagnews Media