Toronto Daawo:- Dumarka Somaliland ee Toronto ayaa soo dhawayn Qiimo leh kusoo dhaweeyay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee J.Somaliland Marwo Faadumo Suudi.
TORONTO-(HWN)-Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee J.Somaliland Marwo Faadumo Suudi Xasan ayaa dalka Canada kusugan waxaana Xaflad taarikhi ah usameeyay Dumarka Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Toronto iyo agagarkeda.
Boqolaal Dumar ah ayaa soo dhawayn aad ah usameeyay Marwo Faadumo Suudi Xasan habaynkii xalay ahaa waxana goobtaasi Taarikh deedii kaSoo jediyay Anwar Sheekh oo aad ugu dheeraaday wax qabadkeedii iyo in ay tahay wasiirka kaliya ee dumar ah ee ka jira J.Somaliland waxana uu Mudane Anwar ku guubaabiyay Dumarka in ay raadsadaan Xaqooda oo ah in lasiiyo Wasiiro badan.
Waxaa soo dhawaynta Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee J.Somaliland Marwo Faadumo Suudi Xasan kaalin lixad leh ka qaatay Qadar ciise, Anwar skeekh, , Maryan Cismaan dalal, Fowzia Cilmi, Farduus Cilmi, Sahra Carab Janaale, Kaltuun inyare, Abshiro Suudi Xassan, Iimaan Santuuny Zuhuur Hassan Abiib, Intisaam Jaamac, Nasra Mohamud Sh.Muuse, Ismahaan Mohamud Sh. Muuse, Hodan Mohamed Sh. Muus, Nimco Mohamed Cigaal iyo dadkaloo badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin.