Burco (HWN) Munaasibad balldhan oo kulmisay salaadiin iyo siyaasiyiin ayaa shalay lagu qabtay Degmada KALBARRE, Munasibaddan oo ahayd mid loogu walqalayey degmada cusub ee KALBARRE, oo ah degmo Buuraley ah isla markaasna 54 Killo mitir dhinaca waqooyi bari ka xigta magaalada Burco ayay ka soo qaybgaleen, wasiiro, salaadiin, xildhibaano, aqoonyahan, sadexda xisibi qaran, maamulka sare ee degmada iyo marti sharaf kale oo badan.
Ugu horayn waxa munasibaddan ka hadlay Guddomiyaha Degmada Cusub ee KALBARRE,Md: Shoombe Cismaan Nuur, wuxuuna halkaa uga mahadnaqay Dhammaanba masuuliyintii halkaas isugu timi, oo uu sheegay in farxadda inay nala qaybsadaan aawadeed ay u soo mareen waddo aad u cidhiidhi ah.
Sh.c/raxman maxamed carraale oo isna ka mid ahaa odayaasha Degmada ayaa sheegay in Degmada xilli wasiir cagta oo dhigo ay ugu danbay 2002,isagoo sheegay in degmadani tahay mid qadiimi ah,balse buu yidhi si weyn aan loogu hawl gelin, wuxuu sidoo kale xusay inaanay iyagu arag dawladdii siyaad barre mid ka danbaysay , tan hadda jirtana aan iminka uun ogaanay.
Mr.Salaban xusen caga case oo isaga laftisu ka mid odayaasha degmadan cusub ayaa ka warbixiye taariikhdii degmadan iyo wixii ay KAL BARRE kula baxday intaba, wuxuuna sheegay In odaygii 1aad ee degmada soo mara ama soo ikhtiraaca la odhan jirey Barre, isagoo maalin maalmaha ka mid ah barre maraya, Kal halkan ah, oo biyo ka soo maaxdaan ayuu ku dhacay, markii uu ku dhacay odaygii Barre ayay sidaa degmadani kula baxday KAL BARRE, wuxuu sidoo kale mr.Saleban Xusay in isaga,aabihii iyo awowgiiba ay ku dhasheen halkan(Kalbarre).
Waxa isna munaasibadda ka hadlay Suldaanka Guud ee Beesha Arab, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, isagoo sheegay in baahi ka timid dadka deeganka looga dhigay degmo maanta, iyadoo degmada ay ahyd in hore looga dhigo.
Suldaan Cismaan Ibraahin Maxmed, Suldaan Saleban c/laahi cisman-Gaacir iyo Xildhiban Axmed Cabdi Nuur ayaa iyaguna munaasibadda ka hadlay, waxayna Dadka Deeganka ama degmadan cusub kula taliyeen in Degmada Cusub ay weyneeyaan kana shaqeeyaan sidii ay u noqon lahayd degmo si toos au hirgasha, waxay sidoo kale xukumaada ka codsadeen in wixii Degmo lahaan jirtey ay ugu daraan degmada cusub, ee aanay noqon uun degmo la iska magacaabo, iyagoo sidoo kale degmadda ku ammaanay meel biyo rabbaani ah leh, oo aanay biyo yaraani ka jirin, waxayna sheegeen in dhul beerista ku wanaagsan ay tahay degmadani.
Masuuliyin ka kala socday saddexda xisbi qaran ayaa iyaguna munaasibadda hadalo kooban ka jeediyey, waxan ugu horayn ka hadlay Kayse xasan cige oo ah xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye, wuxuuna u gudbiyey deegaanka KALBARRE , salaan uu uga siday Guddomiyah xisbiga kulmiye Md.silaanyo, isagoo u hambalyeey degmadan cusub.
Mr.adam mire waqaf oo ah G/kuxigeenka 1aad ee xisibiga UCID oo isna munasibadda ka hadlay ayaa isna u hambalyeeyey Degmadani cusub, waxaanuu sheegay in Is bedelka khayrka leh ee iman doona ay sugaan, si halkaas uu uga sii dhaqaajiyo,iyagoo heli doona wixii ka dhiman ee degmo lahayd.
Guddomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer ayaa isaguna halkaas uga mahadnaqay dadka ka soo qaybgalay munaasibaddan loogu walqalayo Degmada Cusub, isagoo shegay in aanu wax siyaasad ah maanta ka hadlayn maadaama aanay ahayn meeshii lagag hadli lahaa, balse buu yidhi ilaahay waxaan ka baryaynaa doorasho xaq ah oo inoo qabsoonta, wakhtigeediinaa inoo dhacda.
Maayarka Magaalada Burco oo isna ka wakiil ahaa Badhasaabka Gobolka Togdheer, isla markaasna uu soo wakiishay, ayaa sheegay in KAL BARRE ay noqotay degmooyinka ka Go’ay Degmada Burco, maadama buu yidhi ay maanta Degmo nala mid ah tahay, isagoo sidoo kale xusay in hawlo xagga Komishanka ah uu ku mashquulsanaa badhasaabka Gobolku, ayna u suurto geli wayday imaanshaha munaasibaddani qaaliga ah.
Wasiirka wasaaradda waxbarasha Xasan Xaji Maxamud warsame,(Xasan Gadhweyne) ayaa isaguna munaasibadda ka sheegay in ay Degmada Kalbarre tahay magaalo qadiimi ah, isagoo xusayn in dhowr iyo iyo todabaatankii uu ka soo qaadi liisaska Dawladdi siyaad barre, wuxuuna macalimiinta ka hawlgasha degmada kal barre iskulkeeda ugu bushaareeyey in haddii aanay mushahar dawladeed qaadan jirin la siin doono mushaharkoodii, isagoo degmadana ku sheegay degmo istiraatiji ku ah degmanimada una qalanta, wuxuuna munaasibadda sidoo kale axsaabta mucaaradka ah uga jeediyey kelmado kaftan ah oo tiro badan.
Wasiiru dawlaha arrimaha Gudaha Somaliland Muse Cabdi Maxamed (Muse Madobe) ayaa isna dhamman reer Kalbarre uga soo Gudbiyey halkaas, salaan uu ka sido madaxweyna iyo madaxweyne ku xigeenka somaliland, isagoo ugu bushaareeyey dad weynaha reer Kalbare, in xagga xukumadda ay diyaar ka tahay Gadhiigii degmada loogu adeegi lahaa iyo buu yidhi wax kasta oo degmadu uga baahantahjay ka xukuumad ahaan.
Isku soo wada duubo hadalada ay masuuliyiinta axsaabta iyo xukumaddu halkaas ka jeediyeen oo qaar ka mid ahu u yara ekaayeen inay siydaasaynyihiin ayaa haddana waxa lagu kala dareeray jawi farxadaysan, iyado degmadani cusub ka mid noqonaysa degmoyinka gobolka Togdheer.